2 mins read

Maraykanka iyo Ethiopia oo ka wadahadlay dardargelinta heshiiskii gobolka Tigray.

ADDIS ABABA, ETHIOPIA — Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Anothony Blinken ayaa Arbacadii la kulmay ra’iisal wasaare ku xigeenka Ethiopia ahna wasiirka arrimaha debedda Demeke Mekonnen, taasoo qayb ka ahayd booqasho hal maalin ah oo uu ku tegey dalkaas.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa rajo ka muujiyey heshiiskii nabadeed ee ay bishii November kala saxeexdeen dawladda federaalka ah ee Ethiopia iyo xoogagga Tigreega.

“aad iyo aad bay u wanaagsan tahay inaan markale ku soo laabto Afrika, gaar ahaan dalka Ethiopia, waxaan qabaa inay tahay xilli muhiim u ah, yididiilada nabadda ee ka socota dhinaca woqooyi, taasoo hore u sii socota” ayuu yidhi.

“Waxaa jirta wax badan oo ay tahay in la qabto, hase ahaatee waxaa ugu muhiimsan in la sii xojiyo nabadda haatan ka hanaqaaddaysa Woqooyiga” ayuu sii raaciyey.

Kulanka dhex maray labada masuul, waxaa ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Danjiraha Maraykanka u jooga Ethiopia Tracey Ann Jaobson iyo danjiraha Ethiopia u jooga Maraykanka Seleshi Beeke.

Intii uu kulanku socday, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in maamul ku meel gaadh ah oo sameeyo gobolka Tigray, kaasoo qaybka ah heshiiskii nabadeed ee la saxeexay bishii November.

Xukuumadda Ethiopia ayaa tan iyo markii heshiiskaas la gaadhay, waxay gobolkaas ka qaaday, xayiraaddi saarnayd, iyada oo u ogolaatay in gargaarka bini’aadanimo uu gaadho, halka ciidamada Tigray ay hubka ku wareejiyeen ciidamada dawladda.

Qodobada kale ee ay ka wada hadleen Maraykanka iyo masuuliyiinta Ethiopia ayay ku jirtay, siyaasadda caddaaladda ee ku meelgaadhka ah, taasoo horseedaysa isla xisaabtan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dawladda Ethiopia.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dhowaan xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ugu baaqday in arrimaha xuquuqda aadanuhu ay gundhig u noqdaan wadahalada socda.

Ethiopia ayaa dhinaceeda gucle ugu jirta, inay soo afjarto baadhitaanka ay dabada ka riixayso Qaramada Midoobay ee ku aaddan xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ee ka dhacay dalkaas.

Warbixin ay soo saareen baadhayaasha Qaramada Midoobay, oo ay Itoobiya diiday, ayay ku ogaadeen xad-gudubyo baahsan oo ay labada dhinac sameeyeen intii uu dagaalku socday, oo ay ka mid tahay in dowladdu ay gaajo u adeegsatay qaab dagaal.

Warbixintan waxaa qortay Maya Misikir