1 min read

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan gaar ah yeeshay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in saacdaha soo socda uu kulamo kale la yeesho Madaxda kala duwan ee ku sugan waddanka Qatar.