1 min read

Dowladda Soomaaliya oo 4.8 Milyan oo doollar ugu deeqday dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka qayb galay munaasabada Dowladda Turkiga loogu wareejiyay lacag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka Turkiga ee uu saameyay dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaasi.

Munaasibad ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, ayaa Xukuumaddu ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig-xigay.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in Gobalka Banaadir ku dari doono inta ka dhiman  shanta milyan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii dhul gariiradii is xig-xigay ee ka dhacay dalkaas.