1 min read

Horumarka isgaarsiinta 100 Sano kadib.WQ: Yahye Amir.

Waxaa jiray Waddo Tareen oo isku Xirto Magaalooyinka Mogadishu, Jowhar iyo Afgoi. ( F.S: 1-3)

Maanta waxaa 99 Sano laga joogaa markii la furay Wadadaa. Xafladii lagu Furayay wadada Tareenka ee isku Xirto Afgoi – Mogadishu, ayaa ka dhacday Magaalada Afgoi 24/08/1924 Waxaana furay Nin Lagu magacaabi jiray Luigi Di Amedo. (F.S: 4aad)

Ku dhawaad Hal Qarni kadib isla Wadadii isku xireysay Saddaxdaa Magaalo ayaa dib loo dhagax dhigay iyada oo Laami ah, Waxaana ka qeyb galay Turki, Qatar iyo Madaxdii Somalida ee Gobaladaa (F.S: 5aad)

Maxaa is bedelay.

Saddaxdaa Magaalo waxa ey isku ahaayeen Hal Gobal oo la dhihi jiray Banadir Region. Hadda Saddaxdii Magaalo, waxa ey ka kala tirsan yihiin 3 Gobal, waxa ey kala leeyihiin 3 Gudoomiye Gobal iyo Madaxweynayaal Maamul Federal ah.
Wadadaa Tareenka si Nabad ah ayaa lagu dhisay laguna Mari jiray. Maanta Nabad lagu dhiso iyo Mid lagu maro ayaa la la’yahay.

Su’aal

Maxaad nooga sheegi kartaa dhinaca Dhaqaalaha, Horumarka uu sameeyay Xiriirka isku Socodka iyo iskaashiga Gancsi ee Sadaxdaa Magaalo ( 24/08/1924 oo laga joogo 99 Sano ku dhawaad iyo Maanta 24/02/2023) ?.

Qore: Yahya Amir