Al-Shabaab oo Wacad ku martay inay dili doonaan koooxaha Daroogada ka Ganacsada iyo kuwa Ciyaal Weerada.
Muqdisho – Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in rag ka tirsan waxa ay kooxdaasi u taqaaan ”Amniyaadka” oo ka dhigan sirdoonkoodu ay toogteen nin ay magaciisa ku sheegeen Cabdulqaadir Carab.
Ninkan ayay Shabaabku ku sheegeen in uu ahaa madaxii ka ganacsiga daroogada dhalan rogtey dhallinyarada Muqdisho iyo meelo kale iyo xitaa Gaangiska iyo Ciyaal-wirifka qaarkood ee Taanbuugga iyo Xashiishka.
Ninkan ay sheegeen inuu ka ganacsanayey maanka dooriya ayay ku magacaabeen ”Abaanduule” da waxyaabaha weerada ee ka dhisan tableeha Sheikh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, kaasoo ay sheegeen inay dadku soo dhoweeyeen.
Shabaabka ayaa warar ay faafiyeen ku sheegan inay ninkan oo ay ku dileen caawa degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim uu horseed u yahay howlgal ay soo wadaan kooxdan.
Waxay tilmaameen inay hadda kaddib ay dadkan ka raadin doonaan xaafad walba gaar ahaan ninka ugu sarreeya kooxaha daroogada iibiya ama ciyaal -wirifka ee ka dhisan halkaasi, kuwaasoo ay aragti ku dili donaan, sida ay sheegeen.
Al Shabaab oo aan looga baran inay qabtaan wax ummadda u danaynaya islamarkaana aan wax shacbiyad ah oo micne leh aan ku dhex lahayn bulshada oo ay aad u dhibaateeyaan ayaa loo badinayaa inay tillaabadan doonayaan inay shacbiyad ku helaan, iyadoo dadwaynuhu ay durba bilaabeen inay DF Somalia ku eedeeyeen inay arrimahan ka seexatay.