1 min read

Waa kuma ninka loo doortay kursiga HOP 086 ee Agaasimahii hore ee NISA Fahad Yaasiin?

Muqdisho — Dr Maxamed Sheikh Axmed ayaa ku guuleystay kursiga HOP086 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho goor dhaweyd ka dhacday magaalada Muqdisho, markii uu tanaasulay musharrax Cabdirisaaq Bukhaari Axmed.
8

Ergada doorashada oo ka koobneyd 98 ayaa si gacan taag ah u doortay Dr. Maxamed Sheekh Axmed, kadib tanaasulaadda musharraxii la tartamayay.

Kursigan ayaa ka mid ah kuraas uu doorashadiisa celiyay guddiga doorashada heer Federaal, kaas oo uu markii hore ku guuleystay Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee NISA, ahaana la taliyihiin Amniga Qaranka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa dacwo u gudbiyay maxakadda sare ee dalka, taas oo uu ku sheegay in guddida doorashadu ay si sharci darro ah ugu diideen kursi uu kusoo baxay oo doorashadiisu ay bishii Febraayo 2022 ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Laakiin Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diidday inay qaaddo dacwadda kursigan, waxayna bayaan soo baxay afartii April, 2022 ku sheegtay ‘inaysan awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.’

Fahad Yaasiin aqbalay go’aanka Maxkamadda.