1 min read

Dhugariir mar kale ka dhacay dalka Türkiga iyo khasaare dhimasho iyo bur bur hanti uu gaystay.

Labo Dhul-gariir ayaa waxay xalay ka dheceen Gobalka Hatay ee dalka Türkiye, una dhow xuduudka dalka Syria.

Hay’adda Türkiye ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirka Koowaad ka dhacay Degmadda Defne abaarihii 8:04 daqiiqo ama 5:04 daqiiqo ee xilliga GMT), wuxuuna Halbeegiisu ahaa 6.4 Richter Scale.

Dhul-gariirka Labaad waxa uu Halbeegiisu ahaa 5.8 Richter Scale, kaasi oo xuduntiisu ahaa Degmadda Samandağ ee Gobalka Hatay ee dalka Türkiye.

Laba Dhul-gariir waxa u dhexeysay muddo 3 daqiiqo oo keliya, iyadoo dadka dareemeen Cabsi aad u daran.

Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, halka ay 213 kalena ku dhaawacmeen Dhul-gariirka caawa oo Isniin ah ka dhacay Koonfurta dalka Türkiye una dhow xuduudka dalka Syria.

Guddoomiyaha Gobalka Hatay, Rahmi Doğan waxa uu tilmaamay inay Kooxaha Gurmadka ku hawlan yihiin sahminta Deegaanka, kadib, markii ay heleen Wicitaano heleen oo ku aadan Dhul-gariirla cusub.

Dhanka kale, Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Türkiye, Fuat Oktay waxa uu isagana sheegay inay socdaan Qiimeynta Deegaanka uu saameeyey Dhul-gariirkii caawa dhacay.

Waxa uu ku booriyey dhamaan Muwaadiniinta inay ka fogaadaan Dhismayaasha waxyeelada ka soo gaareen Dhul-gariirka caawa dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Türkiyr ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) waxay ugu baaqeen dadka inay ka fogaadaan dhulka xeeblayda cabsi khatarta inuu sare u kaco heerka Badda oo laga yaabo inuu kor u dhaafo ilaa 50 sentiimitir oo u dhiganta 1.6 cagood (The risk of sea level rise, which may reach up to 50 centimeters (1.6 feet).

Bishan February 6-dii, labo Dhul-gariir oo Halbeegoodu ahaa 7.7 iyo 7.6 Richter Scale waxa uu ku dhuftay K/Bari ee dalka Türkiye, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan 41,156 qof, halka ay Tobanaan kalena ku dhaawacmeen.