1 min read

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay israsaaseeyn ka dhacday magaalada Garowe.

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka puntland ayaa sheegaya in israsaaseeyn sababtay khasaare dhaawacyo  ah ay ka dhacday halkaas .

Is-rasaaseynta ayaa  la sheegay in ay  dhexmartay ciidamo ka tirsan Saldhiga  Booliska Puntland ee Garowe.

3 Ruux oo shacab ah iyo Askari ka tirsan ciidanka booliska puntland ayaa ku dhaawacmay israasseeynta  puntland iyo Ciidamo uu  xukumo Jeneraal  Muxiyadiin Axmed Muuse oo ah taliyihii hore ee ciidanka booliska puntland .

Ssaraaseeynta xalay ka dhacday  magaalada Garowe ayaa   Socotay in ka badan 15-daqiiqo  waxaana ay sababtay in lagu kala cararo Aaga barxada oo ka mid ah Goobaha ugu mashquulka badan isu-socodka iyo Ganacsiga magalada Garowe sida ay iadaacdda Risaala u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan kahla ay wax ka dheceen .

Lama  oga waxa keenay isku dhacyada  labada ciidan.