1 min read

RW Xamse oo codsaday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda ka aloosan Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in 35 sanadood kahor wixii ka dhacay gobollada waqooyi wax lamid ah ay maanta ka dhacayaan Laascaanood.

Xamze Cabdi Barre, oo xalay fiidkii ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa si qota-dheer uga hadlay colaadda ka aloosan magaalada Laascaanood, halkaas oo dhowr iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen ciidammada Somaliland iyo ciidammada deegaanka.

Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, ayaa codsaday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xabbadda lana dhaqangeliyo xabbadjoojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, garaadadana ay soo dhaweeyeen.

Waxa uu sii raaciyay sida ay la tahay in xabbadjoojintaas lagu hirgelin karo, isagoo shacabka guud ahaan ugu baaqay inay ka qeybqaataan sidii colaaddaasi loo soo afjari lahaa ayna ka feejignaadaan inay sii huriyaan.