1 min read

Weriye kashifay in Ronaldo uu ku biirayo koox kale oo Sucuudiyaan ah & Sababta

Riyaad – Xidigga wayn ee Al-Nassr Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu kooxda ka dhisan Riyaad ee uu haatan u safto uga wareeo kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Hilaal mustaqbalka, sida uu qabo tafatiraha guud ee warqaadka MARCA, Jose Felix.

Cristiano Ronaldo ayaa koox la’aan muddo ahaa kaddib markii is afgarad buuxa lagu fasaqay qandaraaskiisii Manchester United bishii Nofeembar. Inkasta oo uu ka mid yahay xiddigaha ugu waawayn adduunka, waxa uu ku dhibtooday sidii uu u heli lahaa koox Yurub ah oo rabta.

Kooxda Horyaalka Saudi Pro League ee Al-Nassr ayaase ka dhigtay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kubbadda cagta adduunka, iyadoo la sheegay inay ogolaadeen inay bixiyaan £173 milyan ginni sannadkii.

Si kastaba ha ahaatee, Felix ayaa hadda cabsi galiyey taageerayaasha Al-Nassr isagoo sheegay in Ronaldo uu ku biiri karo kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Hilaal mar aan dheerayn. Waxa uu soo jeediyey in ciyaaryahanka lagusoo jiidan karo taariikhda kooxda Al-Zaciim.

Felix waxa uu ka sheegay bandhigga telefiishanka Sucuudiga ee SBC Maleab [via MSN]:

“Meesha kama saarayo suurtagalnimada in Cristiano Ronaldo uu xiran doono maaliyadda Al Hilaal mustaqbalka, iyadoo la tixgelinayo dhaxalka taariikhiga ah ee kooxdan”.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in Ronaldo uu qandaraas kula jiro Al-Nassr ilaa xagaaga 2025-ka, markaasoo uu jirsan doono gugii 40-aad, tiiyoo horay loosii sheegay in Al Hilaal ay Ronie doonaysey xitaa kahor inta aanu ku biirin Al-Nassr.