1 min read

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda degmada Jalalaqsi.

Dagaal khasaare culus dhaliyay ayaa maanta ka socda deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay wakaaladda warrarka ee SONNA.

SONNA ayaa sheegtay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay soo qaadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka dib markii ay heleen xog ku saaban koox Al-Shabaab ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli halkaasi ka socdo.

Kooxda Al-shabaab ayaan weli ka hadlin sheegashada ciidamada dowladda ee dagaalka ka socda deegaanka Inji.

Warkan ayaa yimid xilli shalay dagaal culus uu labada dhinac ku dhex maray tuulada Qaycad oo qiyaastii afar kiloo mitir u jirta magaalada Bacaadweyne, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.