1 min read

AC Milan oo rikoodh cusub oo maaliyadeed ka dhigtay Talyaaniga kaddib guushii Spurs + Sawirro

Milano– AC Milan oo 9 sano ka maqnayd usoo bixidda wareegga 16-ka ee Champions League ayaa 1-0 ku hoggaaminayaa lugta hore kooxda Spurs oo ay ku qaabishey San Siro.

Waxaa garoonkan taariikhiga ah fadhiyey 74,320 oo daawadayaal taasoo keentay inay Milan ka hesho caawa oo kaliya 9,133,842milyan oo Euro ama ku dhowaad 10m oo Euro.

Tan ayaana rikoodh ka ah gudaha Talyaaniga. Waxay jebisey rikoodhkii hore ee Talyaaniga ioo uu dhigay kulankii isla San Siro ee Inter Milan vs Barcelona 10-kii Diseembar 2019-kii, kaasoo ay Inter ka heshay 7,889,495 milyan oo euro.

Dhab ahaantii waa war u wanaagsan khasnadda kooxda Rossoneri, taasoo Champions League-ga kasoo urursatay 6,818,954 milyan oo euro kulankii AC Milan vs Chelsea.

Yeelkeede, kulankii Tottenham Milan waxay dhigtay rikoodh cusub, iyadoo  jamaahiirta Rossoneri oo aad u badani ay codkooda kooxda maqashiiyeen.

Macallin Stefano Pioli oo ay beryahan diirqddu saarnayd ayaana ka faa’iidaysanaysa jawiga dhamacda ah ee ka jira garoonka Giuseppe Meazza.

#MilanTottenham: è record assoluto di incasso in Italia (9.133.842 €), superato quello di Inter-Barcellona del 10 dicembre 2019 (7.889.495 €).