1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kaalinta ugu weyn ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa leh Ciidamada Macawiisleyda..”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee xilligaan ka socda meelo kamid ah dalka iyo sida laga yeelayo Ciidamada Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka lagu qabtay Magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howlgalka ka danka ah Al-Shabaab uu weli ka socdo dalka.

Waxaa uu sheegay in kaalinta ugu weyn ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay leeyihiin Ciidamada Macawiisleyda, isla markaana qorshahooda uu yahay sidii Ciidamadaas loo qarameyn lahaa loogana dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Soomaalida kunool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan oo dhaqaalo ku taageeraan dagaalka dalka goobaha ay ka joogaan looga saarayo Al-Shabaab.