1 min read
Dowladda Jabuuti oo ka hadashay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee ka socda Laascaanood.
Qoraal uu bartiisa twitter ku baahiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku yiri: “Somaliland ma codsan dhexdhexaadinta Jabuuti ee xaaladda Laascaanood. markaa Jabuuti waxay ku sii adkaysan doontaa siyaasaddeeda derisnimo ee caanka ah iyo dhexdhexaadnimada.”
Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.