1 min read

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay.

Magaalada Baydhabo Waxa lagu soo geba gebeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, waxayna dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in soo xulista xildhibaannada ay sameeyaan odayaasha dhaqanku dhammaadka sanadkan, iyo in doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana la qabto bisha Janaayo  ee sanadka soo socda ee 2024.

Go’aannada laga soo saaray shirka ayaa u qornaa sidaan:

Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo Golaha Badbaadada KGS.

Ka dib, Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa soo Magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan

Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah.

GUDDOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

Markuu Arkay: Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoboka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG;

Markuu Arkay: Qodobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda;

Markuu Arkay: Qodobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS;