1 min read

Macbad ay Yuhuudda leedahay oo lagu weeraray magaalada Qudus.

Toddobo qof ayaa lagu toogtay kaniisad ku taal bariga magaalada Quddus, waana tiradii ugu badnayd ee lagu dilay weerar noocan oo kale ah muddo sanado ah. Ugu yaraan saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkani.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda Neve Yaakov ee magaalada Qudus, abbaaraha 08-dii fiidnimo ee xilliga maxalliga ah.

Booliska ayaa ninka weerarka geystay ku tilmaamay mid argagaxiso ah, waxayna sheegeen in la xakameeyey waxyeelada.

Warbaahinta gudaha, ayaa ku tilmaantay inuu ahaa ruuxa weerarka gaystay nin Falastiini ah, oo kasoo jeeda bariga Quddus.

Taliyaha booliska Israa’iil, Kobi Shabtai, oo goobta ka hadlay, ayaa ku tilmaamay “mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa ee aan la kulanno sannadihii u dambeeyey”.

Dad cibaadaysanaya oo Israa’iiliyiin ah, ayaa isugu soo baxay salaad aroortii hore ee maalinimada sabtida Yuhuudda, iyagoo ku jiray machad Yuhuuddu leeyahay oo ku yaalla dhanka Yuhuudda.

Dadka ayaa markaa ka baxayey, markii uu ninka hubaysani rasaas ku furay. Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen ninkii rasaasta furay.

Kooxaha dambi baarista, ayaa baaraya gaari cad, oo loo maleynayo inuu watay ninka hubeysan.

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa u riyaaqayy weerarka, balse ma aysan sheegin in mid ka mid ah xubnahooda uu mas’uul ka ahaa.

Weerarkan ayaa waxaa u dabaal dagay Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza, iyagoo dhigay isu soo baxyo, qeybiyeyna nacnac.