1 min read

Shir ay ku arrin sanayaan madaxda dhaqanka oo ka furmay magaalada Laacaanood.

Waxaa ka furmay magaalada Laasacaanood shir ay isugu imanayaan salaadiin halkaa ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.

Ujeedada shirkan, ayaa lagu sheegay inuu yahay aayo ka tashiga maamulka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Madax dhaqameedka ku sugan Laasacaanood, ayaa diiddan kamid ahaanshaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, oo magaalada xukumaysay 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, afhayeenka golaha dhaqanka ee maanta shiraya, oo khadka taleefanka noogu warramay, ayaan sheegay in shirkani la isugu yeeray hoggaanka dhaqanka gobolkani, meel walboo ay ka joogaan dunida.

Garaadka, ayaa carabka ku dhuftay in xubnaha guddiga la magacaabay kaliya aanay shirka ka qeyb galeyn, balse dhinacyada kala duwan ee bulshaduna ay qeyb ka yihiin.