1 min read

Al-shabaab oo in kabadan 300 oo neef ku gowracay deegaan hoostaga degmada Maxaas.

Waxaa warar dheeraada laga helayaa Xoola ay Dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ku gowraceen deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka Ceel Xeero oo qiyaastii 20KM dhanka bari ka xiga degmada Maxaas ayey Al-shabaab ku gowraceen inkabada 300 oo Neef oo ari ah ay lahaayeen dad xoola dhaqata ah.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa KNN uxaqiijiyey iney Al- shabaab in kabadan 300 oo neef ku gowreceen deegaanka Ceel Xeero isagoo ku eedeeyey falkaan inay ku dhaqaaqeen Al-shabaab kadib markii dadkii xoolahan lahaa ay cagahooda uga baxsadeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha degmada Maxaas in Qoysaskii xoolahaan lahaa ay diiden iney hogaansamaan amarada kooxda Al- shabaab wuxuuna intaa raaciyey in dadka oo reer guuraa ah ay hada yihiin kuwa aan waxba haysan.

Tan iyo markii uu bilowday gulufka ka dhanka ah Al- shabaab ee kasocda gobolada dalka ayaa waxaa isi soo tarayey dhacdooyinka ay mararka qaar Al- shabaab ka geystaan deegaanada laga saaray.