3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 339=Inta Sirta Dalka Ajnabi ku aaminto, Ummadda ha ku kharibin=

Is faham la’aan

1. Dadka Reer Sudaan waa Dad Caajis badan, Qaar badanna khamriga ayey Cabaan waana qarsadaan. Duqa Magaalada Khartuum ayaa soo saaray Amar lagu mamnuucayo khamriga. Maalma kadib ayaa isagii xaraaro qabatay. Waxa uu soo qaatay Baabuur iyo Dhar aan lagu aqoon.
Gabar Dukaan leh, ayuu Suuqa madow uga iibsaday Laba dhalo oo khamri ah. Markuu cabay ayuu sakhraamay. Gabdhii ayuu ku yiri: waan ku xirayaa, khamri la mamnuucay ayaad iibisaa. Waxa ey ku tiri: Adigu kumaad aheyd? Waxa uu ku yiri : Waxaa ahay Duqii Magaalada Khartuum.
Waxa ey u soo qabatay Labo dhalo oo kale oo khamri ah. Waxa eyna ku tiri: Haddaad Labadaan Cabto waxaad Noqonee Madaxweynaha Dalka. ( F.S: 1aad)

( Afrika Shacabku waxey aaminsan yihiin in Madaxdu Dambiga ku dalacdo, Shaqaalahana lagu ganaaxo)

2. Laba Wiil oo ciyaal “Say Walaahi” ah oo Dibadda looga keenay dhaqan Celin ayaa Salaad Tukanayay. Midkii imaamka ahaa ayaa Faataxadii khalday. Kii kale ee Salaada ku xirtay ayaa u Toosiyay Khaladkii. Wiilkii Imaamka ahaa ayaa yiri: “Thank you”. Kii kale ayaa yiri: “You welcome”. Salaadoodiina waa sii wateen. ( F.S: 2aad)

( Ar ilmaha hala baro shuruudaha Salaadu ku buree. Ciidanka Dowlada hoosena ha la baro Shuruudaha Canshuur qaadida )

3. Koo Somaliya ka tagay oo Mareykanka joogo ayaa “Super market” tagay si uu uga soo gato Hilib Dooro/ Digaag. Laakin waxaa ka dhuntay waxa Af igiriiska lagu yiraa Doorada. Waxa uu soo qaatay Xabad Ukun ah, waxa uuna u tagay Gabadhii xisaabaadka joogtay waxa uu tusay Ukuntii waxa uuna ku yiri: ” Where is the Mother? ” Awaday Hooyadii Ukunta?.( F.S: 3aad)

( Dadka Ameerica Joogo qaarkood, waxaa Luqada ingiriiska uga Horeeyo kuwo Somalia Private School ka dhigto)

4. Wiil ka yimid Qurbaha ayaa Gaalkacyo tagay. Adeerkii ayuu ku yiri: Adeeroow Naag haleey doono. Waxaa loo sheegay Gabdho badan oo Magaalada joogo iyo Tilmaamahooda. Wiilkii waa ku wareeray Timaamihii Midna waa ka xulan waayay.
Adeerkii ayaa ku yiri: Wiilkeygoow hadaad kala xulan weeyday, HAL MA YEELI. Adeerka oo rabo in uu talo siiyo.Laakin Wiilkii ayaa “Hal ma yeeli”, Geel Dhidiga ma rabtaa u qaatay. Markaa ayuu Wiilkii yiri : Adeer Adigu RATI ma Yeeli.( F.S:4aad)

( Qurba Joogtu waa shaki badan yihiin. Dooqa Qurbo Joogta lagama helo Dalka, haddaan Looga dalbeeyn Warshad)

5. Naag Reer Gaalkacyo aheyd ayaa Saaxiibteed oo Talyaani aheyd oo ey isla shaqeynayeen u raacaday Gurigeeda.
Waxa ey aragtay Ninkii Talyaaniga ahaa oo kushiinka ku jiro oo Qadadii mar hore diyaariyay, iyada oo rabto in ey Naagta u amaanto Ninkeeda Talyaaniga ah, ayeey ku tiri: (Tuwa Mariito, Duwe Garande Kalyooni). Ninkaagu waa Laba Xiniinyood weyn.
Naagtii Talyaaniga oo Ninkeeda ku ogeyd in uu qabo Cudurka Sheelada ee Xiniinyaha barariyo ayaa ku tiri: ( Butaano, Foori Di Ganjeelo). Dhilayaheey Guriga iiga bax, Hore ayaad u aragtay Xiniinyaha Ninkeyga.( F.S:5aad)

( Ajnabi inta amaan maagto, yuuna ku ceeyn. Inta Sirta Dalka Ajnabi ku aaminto, Ummadda ha ku kharibin)

6. Wiil Qurbaha ka yimid ayaa Gabar kula kulmay Xaafadda Shibis, waxa ey ku tiri: waan deg deg sanahay, Nambarka Mobile keeda ayeey u qortay.
Waxa uu ku yiri: Can we meet Sarareey?. Ma kulmi karnaa Sarareey? Waxa ey is tiri: Saradeey Ma Maalin Cusub oo Dalka Ingriiska lagu soo kordhiyaa.!!!. Waxa uu ku yiri: Sarareey waa SABTIGA.
Waxa ey ku tiri: intaad Afka Qalqaloocinee maad iska dhahdid “Saturday”, maxaadse Afka Dadoow ugu dheelee.

( Luqadda ingiriisku waxaa la yiraa, waxa ey ku dhalatay Dalka ingiriiska, waxa ey ku barbaartay Mareykanka, waxa ey ku xanuunsatay Ruushka, waxa ey ku sakaraaday Afrika, waxa ey ku dhimatay Carabta, waxaana lagu aasay Hindiya. Reer Shibisna, Ad lee waaye )

Qore: Yahya Amir