3 mins read

Soomaaliya oo isbeddel ‘lama filaan ah’ ka sameysay liiska dalalka ugu amniga fiican adduunka!!!

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (EPI) ee xaruntiisu tahay dalka Australia ayaa soo saaray warbixiintiisa sanadlaha ah ee nabadgelyada waddamada caalamka ee sanadkii 2022.

Haddaba sida aan hoos ku ogaan doonno Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka samaysay dhanka nabadda marka la barbardhigo warbixintii sanadkii ka horreeyay ee 2021 uu soo saaray machadkani, iyada oo sida warbixinta ku cad ay Soomaaliya ka hor martay waddammo dhowr ah halka kuwa kale ay hoos u dhac sameeyeen.

Liiska tobanka waddan ee ugu nabdoon adduunka ayaan wax badan iska baddalin marka laga reebo in ay kaalmaha kala baddasheen waddamada qaar iyo in Canada ay booskeedii lambar toban ka baxday halkaas oo sanadkii hore ay ku jirtay haddana Japan ay lambarka tobnaad ku jirto.

Qaaradda Yurub oo badanaa ka xasilooni badnaan jirtay meelaha kale ee caalamka ayaa waxaa sanadkii lasoo dhaafay saameeyay dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo qarxay bishii February ee sanadkii tegay.

Liiska tobanka waddan ee ugu nabdoonaa 2022 ayaa sidan u qoran:

  • Iceland
  • New Zealand
  • Ireland
  • Denmark
  • Austria
  • Portugal
  • Slovenia
  • Czech Republic
  • Singapore
  • Japa

Waddamada bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika ayaa sanadkan noqday kuwa ugu nabdoon celcelis ahaan marka loo fiirsho sare u kaca ku yimid dhibcaha ay haysteen  labadii sano ee kan ka horreeyay.

Inkasta oo toddoba ka mid ah tobanka waddan ee u sarreeya ay yihiin dalal dhaca qaaradda Yurub haddana si guud waddamada Yurub ayaan horumar la taaban karo ka samayn sanadkan dhanka dhibhaca qiimaynta nabadda.

Dhanka kale waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya ayaa badanaa liiska qaybta hoose kasoo gala marka lagu qiimaynayo nabadgelyada dalka oo aan kali ku xirnayn in dalka aanay dagaallo ka socon ee sidoo kale lagu qiimeeyo dhaqaalaha iyo heerka nolosha aasaasiga ah ee dal walba.

Haddaba Soomaaliya oo abaaro ay ku dhufteen sanadkii la soo dhaafay sidoo kalena dagaallo ay ka socdaan ayaa samaysay horumar dhanka nabadda ah sida ka muuqata warbixinta.

Sanadkii 2021, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 158-aad iyadoo shan dal ay ka hoosaysay, kuwan oo kala ahaa dalalka Ciraaq, Koonfurta Suudaan, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan.

Sannadkan waxay Soomaaliya gashay kaalinta 156-aad, taas oo ka dhigan in Soomaaliya ay kor u kacday labo dhibcood iyadoo gadaal iska marisay DRC iyo Ruushka oo isago liiskan hoose kusoo biiray sanadkii tagay kadib markii uu dagaal ku qaaday Ukraine.

Horumarka ay Soomaaliya ka sameysay liiska ayaa kusoo aadday xilli sanadkii dhammaaday ay meelo badan oo dalka ka tirsan ka socdeen dagaallo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab. Markii dhankaas laga eego waxay u muuqataa in dad badan ay lama filaan u arki karaan in Soomaaliya ay liiska horumar ka sameyso.

Waxaa xusid mudan in Ukraine ay ku jirto kaalinta 153-aad inkastoo burburka ugu weyn uu soo gaadhay marka la barbardhigo Ruushka oo isagu dagaal kuso qaaday Ukraine balse Ruushka ayey saddex waddan oo kali ah ka hooseysaa.

Waxaaa Soomaaliya sanadkan ka hooseeya toddoba waddan oo kala ah; Ciraaq, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Suudaanta Koofureed, Ruushka, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan.

Waddanka Afghanistan ayaa isagu ku jira kaalinta ugu hooseysa sanadihii u dambeeyay maaddaama ay xasilooni darro ka jirtay tan iyo markii ay Taalibaan la wareegeen dalkaasi iyo ka horeba.

Liiska tobanka waddan ee ugu hooseeyay sanadkii 2022 dhanka nabadda:

  • 155. Sudan
  • 155. Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe
  • 156. Soomaaliya
  • 157. Ciraaq
  • 158. DRC
  • 159. Suudaanta Koonfureed
  • 160. Ruushka
  • 161. Suuriya
  • 162. Yemen
  • 163. Afghanistan

Sanadkii tagay ee 2022 ayaa ahaa sannadkii saddexaad ee xiriir ah kaas oo caalamku uu wajahayo nabadgelyo xumo guud sida warbixinta lagu sheegay.

Xigasho:BBCSomali