1 min read

Guardiola: Arsenal waxa ay sannadkan gaari kartaa 100 dhibcood.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka digay inay kooxaha kale ku adkaan doonto inay Arsenal kula loollamaan tartanka horyaalka Ingiriiska, waxaana uu sheegay inay ku qaadi karto 100 dhibcood.

Arsenal, oo uu maamulo kaaliyihii hore ee Guardiola, Mikel Arteta, ayaa Talaadadii 10 dhibcood ka sarre mari kartay kooxda heysata horyaalka, laakiin waxaa garoonkeeda 0-0 ku qabatay kooxda Newcastle United.

City, oo ay celisay Everton habeenkii sannadka cusub, ayaa hoos u dhigi karta shan dhibcood haddii ay Khamiista maanta ah ka badiso Chelsea.

Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin qaladaad badan haddii ay doonayaan inay qaadaan horyaalkii shanaad lix sano gudahood.

“Habka aad u yarayso farqiga dhibcaha waa inaad si fiican u ciyaarto oo aad badiso ciyaar kasta,” ayuu Guardiola ku sheegay shir jaraa’id Arbacadii.

“Haddii Arsenal qaabkan kusii socoto, celcelis ahaan waxay heli karaan in ka badan 100 dhibcood ” ayuu raaciyay Guardiola.

Arsenal, oo u hanqal taageysa hanashada horyaalkii ugu horeysay tan iyo 2004-kii, ayaa horyaalka ku hoggaamineysa 44 dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay, iyadoo kooxda City oo ku jirta kaalinta labaad ay leedahay 36 dhibcood.

 

Reuters.