1 min read

Taliyaha Nabad Sugida oo amray in baaritaan lagu sameeyo dilkii Taliyihii NISA ee Gedo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ku amray Ciidanka Sirdoonka Baaritaan dhab ah ku sameeyaan dilka Taliyihii NISA ee gobalka Gedo.

Taliye Mahad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.