1 min read

Beesha Caalamka oo war ka soo saaray xaaladda magaalada Laascaanood.

Beesha Caalamka ayaa soo saartay baaq ku saabsan rabshadaha magaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka ah, waxayna sheegeen inay ka walaacsan yihiin dhacdadaas.

“Saaxiibada Beesha caalamka* ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan. Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen.

Qoraalkan waxaa si wada jira u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.