1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada ka dhanka ah ee Muqdisho.

Goordhaweyd waxa gaaray magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan Madaxweynaha Hirshabelle, Kuxigeenkiisa iyo saraakiil ciidan, si ay ugu kuurgalaan xaaladda magaaladaasi oo dhawaan laga saaray ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa Aadan Yabaal gaaray wafdi u hoggaaminayeen wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha militeriga Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa xalay iska hor’imaadyo laga soo weriyay tuulada Goobo oo ku dhaw degmada Maxaas ee isla gobolka Hiiraan.

Dowladda waxay sheegtay inay dishay 14 xubnood oo ka tirsan Al -Shabaab kadib markii ciidamada militeriga ay howlgal ka sameeyeen tuulo hoostagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kashanayay kuwa deegaanka ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo markii hore ay Al-shabaab ku xoogganaayen.