4 mins read

Isbitaalka Jaalle Siyaad ee Mogadishu.

Hordhac

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka oo Joogay Xuduuda Gobalka Bakool ayaa yiri: Waxaan ka baxsaday Dalka waxaana ku biiray SSDF. waxaan soo weeraray isla Xeradii aan ka baxsaday, Saxiibadey ayaan qaar laayay, Qaarna Dhaawacay, Qaarna ku Luga beeleen Weerarkii aan ku soo qaaday..

Muddo kadib ayaan isku soo Dhiibay Dowladii. Waxaa la ii geeyay Maxamed Siyaad. waa i dalcsiiyay si uu u dhiiri galiyo kuwii baxsaday in ey soo noqdaan.

Waan ku farxay. Haddana Jaalle Siyaad ayaa igu yiri: Waxaan kuu bedelay Isla xeradii aad ka baxsatay.
Waxaan ku yiri: Mudane, Madaxweyne, ha ii bedelin Xeradaa. waxaa joogo Saraakiishii iyo Saaxibadeey aan Curyaan ka dhigay oo qaarkood aan Lugaha ka jaray. Maxamed Siyaad ayaa isaga oo qoslaa igu yiri: war Xerada tag, Somalidu ma ahan Dad Xisaabtamo, waa Duqon Hilmaanta Dhibaatadii loo geeystay.
Waxaan tagay isla xeradii, waxaa iyaga oo ku faraxsan aad ii soo dhaweeyay kuwii aan Lugaha ka jaray oo Luga Artifishal ah iyo Ulo ku boodboodayo.

Isbitaalka Jaalla Siyaad ee Shalay 8/12/ 2022. Mogadishu laga furay, aan dhinacyo badan ka fiirino,Sababta loo dhisay iyo sida loo arki karo marka dhinacyo badan laga fiiriyo.

1. Dhinac Bulsho:

Sideey isbitaalkaa u arkayaan kuwii Aabayaashood uu Curyaamiyay Jaalle Siyaad, Kuwii uu Guryahooda ka qixiyay isaga oo ku garaacay Madaafiicdii uu Villa Somaliya ka soo ridayay. kuwii Waalidiinood uu Dambi la’aan Toogtay, kuwii uu Xabsiga ku hilmaamay, kuwii Xuquuqdooda Caadiga ah uu ka hor istaagay. Ummaddii uu Diintooda bedelay. iyo kuwa kale.

2. Deegaan:

Waa jiraan Dad badan oo aan mudneyn in meel lagu magacaabo,laakin Dadkii Gobaladii ey ka yimaaseen oo aaminsan in ey wax u qabteen ayaa meelo ku magacaabay. Sida isbitaalka Jaalle Siyaad ee Magaalada Garba Haareey. Laakin Isbitaalkaan Xamar, waxaa lagu dhax magacaabay Goob ey degan yihiin Dadkii uu xasuuqay. taa oo u eg Daandaansi iyo Duqono ma damqato. Su’aal ayaa ah, Isbitaal loogu Magac daray Caydiid ma laga dhisi karaa Garbahaareey?

3. Ganacsi:

uma muuqdo Isbitaalkani mid Samafale ah ama Mid dhaqaale laga rabo, Bacdamaa Dadku ey ka dudayaan Magaciisa. Shirkadaha Ganacsi ee Maalgalyay ayaa khatar ugu jiro in Gamacsiyadooda kale laga fogaado.

4. Xirfad:

Dhakhaatiirta ka hoowl galayo, ee leh: Lacag la’aan ayaan wax ku daaweeyneynaa. markii aan arkay wajiyadooda kuma jiraan Dhakhaatiirtii la yaqiin ee Magaalada. waxaa u badan dhaliyaro ku shaqa baranee Isbitaalka.

5. Siyaasad:

iyada oo Hadda Dib loo bilaabay wada hadaladii Somaliya iyo Skmali Land. waxa ey u muuqataa in Isbitaalkaan lagu Carqaladeeynaa wada Hadaladaa, si loo Fiijiyo Dadka Reer Waqooyiga oo wax badan ka tirsanaa Jaalle Siyaad, sida Somali kale oo badan. waxaad Maqli Doontaa: ( Noow, war ma odaygiibaa soo Noqday, Dee La midoobi meeyno kuwaa, war Madaafiicdii Hargeesa lagu garaacay, Xasuuqii Xeebta Jaziira, miyeey Mogadishu na xasuusinee marka ey Jaalla Siyaad Isbitaal ku magacaabayaan, ma nabaradii ayaa la damqinaa.Wadahadaa Dooni meeyno, waxaanu nahay Jamhuuriyad ka Go’day kuwaa weli ku riyoonayo Jaalle Siyaad.

waxaa hore wakhtigii Fahad Yaasiin dhacday in Masjidkii ku dhax yiil Xarunta NISA lagu magacaabo, Masjidka Axmed Salemaan Cabdalla oo ahaa Madixii NSS.
iyada oo weli ey joogaan Dadkii Xeradaa lagu Jir dili jiray, si gardaraa loogu Xiri jiray, qaarkood lagu dilay iyada oo aan la aqoon sababta loo dilay.

Isbitaalkaan waxa uu u muuqdaa mid Siyaasad ahaan loogu talagalay in Boogihii hore lagu Damqiyo, Dad gaar ahna lagu leeyahay waxaa tihiin Duqon, Halgankiiniina waxa uu ahaa macna la’aan.

Adiga oo u fikirayo Si caqli ah, Jecel in aan Dulmi la falin, Boogana la damqin, Fidna Hirdeena aan la kicin, caadifad la’aan maxeey kula tahay?

Cayayaan Badan iyo kuwo Cuqdeeysan, oo Aragtidaan Hab qabiil u fasiri doono, in leeygu soo yaaciyi doono waan sugaa Comments-kooda. Soo dhawaada.

FG:Wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir