October 2022
Gabadha Soomaalida ah ee ku guuleysatay abaalmarinta tartanka Qur’aanka Kariimka.
Tartanka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta. Tartankaas ayaa waxaa ka qayb galey arday ka kala socota caalamka, oo ay ku jiraan kuwo u dhashey Soomaali. Muniira Cabdulfataax Cabdi, ayaa kamid noqotay ardeyda Soomaalida ah, ee kaalin wanaagsan ka galay tartanka. Waalidka Muniira, oo layiraahdo, Deeqo Mukhtaar, […]
Madaxweyne Erdogan oo isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine.
Madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga, Vladimir Putin iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa yeeshay wada hadallo dhinac socday shir-madaxeedka gobolka Kazakhstan, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo duqeymaha. Labada nin waxay kulmeen dhowr jeer, iyadoo Mr Erdogan uu u soo bandhigay inuu dhexdhexaadiyo Moscow iyo Kyiv, ka dib markii ay burbureen wadahadalladii bishii Maarso. Mr […]
Ra’iisul Wasaare Xamza oo shir amni uga qeyb-galaya Addis Ababa.
ADDIS-ABABA — Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galaya shirka heerkiisu sareeyo ee Tana Forum ee looga hadlo arrimaha ammaanka qaaradda. Shirkan Tana Forum, oo sanadkan u dabaal deggaya 10 sano guurada ayaa hogaamiyeyaasha Africa ee lagu casuumo ay uga hadlaan sidii looga wada shaqeyn lahaa xal […]
Culumada Soomaalida Mareykanka oo ka soo horjeesatay Al-Shabaab, taageerayna Macawiisley.
Culumadiinka Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa shalay galabnimadii shir saxafadeed ku qabtey halkaasi. Waxey ku sheegeen shirkooda inay si wadajir ah uga soo horjeedaan falalka ay Al-Shabaab ka wadaan qeybo ka tirsan Gobolada Dhaxe ee dalka Soomaaliya. Sidoo kale, ayaa waxey taageereen xooggaga is abaabuley Macawiisleyda. Madaxa Ururka Isutagga Jimciyada Islaamiga ee […]
Kumanaan Arday Itoobiyaan ah oo diiday inay u fariistaan imtixaanka Qaran.
Kumanaan arday ah oo ku nool gobolka Axmaarada ee woqooyiga dalka Itoobiya, ayaa isaga baxay imtixaanka guud ee shahaadiga ah, ee looggu gogol xaarayo gelitaanka jaamacadaha. In ka badan 12,000 oo arday oo dugsiyada sare ah, ayaa diiday inay u fariistaanimtixaanada, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah. Hadal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada, ayaan lagu sheegin […]
Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii saakay ee Hiiraan oo tirada dhimashada korortay.
Wararka laga helaayo G/Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ay dib u qabsadeen deegaanka Yasooman. Deegaankan, ayaa qiyaastii 35 km waqooyi bari uga beegan degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan. Saaka ayay galeen halkaasi dagaal yahanada Al-Shabaab. Aroornimadii hore ayaa dagaal lagu hoobtay waxa uu Yasooman ku dhaxmaray ciidamada dawladda […]
Xulka Qaranka Soomaaliya 17-jirada oo u gudbay Finalka tartanka CECAFA ee bariga iyo bartamaha Afrika.
Xulka qaranka ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ee Soomaaliya ayaa maanta guul ka gaaray ciyaar ay isaga hor imaadeen xulka dhiggooda ah ee dalka Uganda. Kaddib markii ay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ku dhammaadeen barbardhac 1-1 ah ayaa labada kooxood loo dhigay tartan gool ku laad ah oo ugu dambeyn ay guushu ku […]
Tiro 24 Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaallo ka dhacay Hiraan.
MUQDISHO — 24 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarro subaxnimadii hore ee saaka ka kala dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buulo-Kuuno oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, 20 ka tirsan maleeshiyadan waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay […]
Ololaha Soomaaliya ku dooneyso in looga qaado cunaqabateynta hubka oo teegeero helaya.
MUQDISHO — Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, kadib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga […]
Wasaarad Shaqaalaheedii ku xadgudubtay.
Wasaaradda waxbarashada oo Giriidiyaal u magacaawday Xilaalkii hore ey u hayeen khubaradii wax barashada. Qabiilku waxa uu ka jiraa Bulshada dhaxdeeda, Qabyaaldu waxa ey ka jirtaa Xafiisyada dhaxdooda. Dulmiga qabyaaladda ku saleysan waxa uu ka jiraa Gobalada oo dhan. Qabiilada waaweyn oo dulmiyo qabiilada ka yar yar, ama Qabiilada yar yar oo dulmiyo kuwa waaweyn. […]
