1 min read

Culumada Soomaalida Mareykanka oo ka soo horjeesatay Al-Shabaab, taageerayna Macawiisley.

Culumadiinka Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa shalay galabnimadii shir saxafadeed ku qabtey halkaasi.

Waxey ku sheegeen shirkooda inay si wadajir ah uga soo horjeedaan falalka ay Al-Shabaab ka wadaan qeybo ka tirsan Gobolada Dhaxe ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, ayaa waxey taageereen xooggaga is abaabuley Macawiisleyda.

Madaxa Ururka Isutagga Jimciyada Islaamiga ee Waqooyiga Ameerica, Sh Yusuf Abdi Abdulle, ayaa sheegay in loo fidiyo taageero dhaqaale dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Balad Weyne.

Mar wax laga weeydiiyey Sheekh Yuusuf, waxa isku soo beegay shirkooda iyo ololaha ka dhanka ah ee madaxweynaha Soomaaliya, ayuu sheegay in iyagu ay kal horaba wadeen ololahan, iyagoo bulshada ka wacyi gelin jirey halista Alshabaab.