1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shir amni uga qeyb-galaya Addis Ababa.

ADDIS-ABABA — Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galaya shirka heerkiisu sareeyo ee Tana Forum ee looga hadlo arrimaha ammaanka qaaradda.

Shirkan Tana Forum, oo sanadkan u dabaal deggaya 10 sano guurada ayaa hogaamiyeyaasha Africa ee lagu casuumo ay uga hadlaan sidii looga wada shaqeyn lahaa xal u helidda caqabadaha amni ee Africa.

Sanadkan waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal xooggan kula jirto maleeshiyada ururka Al-Shabaab.