1 min read
Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii saakay ee Hiiraan oo tirada dhimashada korortay.
Wararka laga helaayo G/Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ay dib u qabsadeen deegaanka Yasooman.
Deegaankan, ayaa qiyaastii 35 km waqooyi bari uga beegan degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan. Saaka ayay galeen halkaasi dagaal yahanada Al-Shabaab.
Aroornimadii hore ayaa dagaal lagu hoobtay waxa uu Yasooman ku dhaxmaray ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah, iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Dawladdu ayaa waxay sheegtay in 50 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, halka Shabaabkuna sheegeen inay dileen in kabadan 100 askari.