6 mins read

Wasaarad Shaqaalaheedii ku xadgudubtay.

Wasaaradda waxbarashada oo Giriidiyaal u magacaawday Xilaalkii hore ey u hayeen khubaradii wax barashada.

Qabiilku waxa uu ka jiraa Bulshada dhaxdeeda, Qabyaaldu waxa ey ka jirtaa Xafiisyada dhaxdooda.

Dulmiga qabyaaladda ku saleysan  waxa uu ka jiraa Gobalada oo dhan. Qabiilada waaweyn oo dulmiyo qabiilada ka yar yar, ama Qabiilada yar yar oo dulmiyo kuwa waaweyn.

Magaalooyinka Dalka ma ahan Mogadishu  oo kaliya ee haddaad aragto Qof qabiil ahaan loogu dulminaa Magaalo kale oo Dalka ku taal, ha ka xishoon in aad ka hadasho ama in lagu yiraa qabyaaladiiste ayaad tahay.

Qof kasta oo loo dulmiyo Qof ahaan ama Qabiil ahaan waxaa haboon in gacan la siiyo.
Muqdishu ayaa waxaa fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare loogu riday Ardaydii ugu badneed si loo  Niyad jabiyo, kuwa badan ayaa isaga haray waxbarashadii, kuwana waa tahriibeen.
Macallimiin hore ayaa tagay Isgooladii hore ey uga shaqey jireen Burburka ka hore, kuwaa oo  laga dhigtay Garaashyo, Mooro Xoolaad iyo Deegaan. Waxa ey soo nooleyeen bilicdii  isgooladii, waa dayac tireen,  Ganjeel cusub ayuu saaray, iyaga iyo saaxiibadood waxaa ey ka noqdeen Macallimeen lacag la’aan Dadka wax ku barto, Arday badan ayaa wax ku baratay,  Macallimiintu  Waxa ey sugeen ilaa Dowlad la helo, Dowladii ayaa la helay. Macallintii iyo kuwii badbaadiyay Isgoolka shaqadii waa laga eryay, isgoolkiina waxaa Maamule looga dhigay Mr. Giriidi cusub oo ahaa Nin aan aqoon xaafadda isgoolku ku yaal Magaceeda, sababta Macallimiintii hore loo eryay waxa ey aheyd iyaga oo u dhashay Qabiilka Mudulood.

Wakhtiyadaan dambe waxaa batay dhaqan ah, Qofkii shaqo laga eryo ama ka dhinto waxaa badanaa lagu bedelaa Qof ey qaraabo dhaw yihiin ama qabiilkiisa ah. Qabiilka kaliya oo aan Booska loo bedelin waa Mudulood.
Nin masuul ka ahaa Wasaarad kale  ayaa yiri: inta aan Xil ka qaado waxaan u jecelahay Muduloodka  iyagu waa iska tagayaan, Dadka kale dacwada ey kugu bilaabaan  iska dhaaf kii aad ka qaadee  kuwa kale in aad u magacaawdo ayaa laguugu khasbaa.

Tusaale: wasaaradda waxbarashada.
Sida aan ku heleeyno Xog ururin iyo qoraalka Cabashada dhibanayaasha. Waxaa ka mid ah:

Xafiiska imtixaanaadka oo ku yaal Magaalada Mogadisho oo ey ka shaqeeyaan in ka bafan 24 Qofood kuma jiro Hal qof oo mudulood ah.

Xafiiska Manaahijta waxaa aad looga eryay Muduloodka iyo Dadkii hore ee khibradda u lahaa. Haddii aad fiiriso Manaahijta Dalka waxaa ku jiro meelo ka soo horjeedo Madhabta Shaaficiyadda, kuwa lagu dhiiri galinaa Wahaabiyadda, kuwa si is khilaafsan oo ka hadlayo Somalia, waxaa kale oo ku jiro kuwo si toos ah uga soo hor jeedo Diinta islaamka.

Wasaaradda waxbarashada , Wasiiradii hore waxa ey beegsan jireen Qabiilo gaar ah khaasatan Muduloodka. Tusaale:

1.Waxaa jiro Lix Maamule oo ka mid ahaa kuwii Burburkii kadib Dugsiyada Badbaadiyay, waxaa laga qaaday Xilkii, dhamaan waxa ey ahaayeen Mudulood. waxaana lagu bedelay kuwa ka soo jeedo beelo kale una badan Hal beel. Sida ey sheegayaan  kuwa laga eryay xilkoodii Arrintaa waxaa ka dambeeyay Agaasimihii hore ee Waxbarashada Gobalka Banaadir.
2. Xil ka qaadis ayaa lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee Agaasinka wax barashada Gobalka Banaadir oo ahaa mudulood, waxaana lagu badalay mid beel kale ah.
3. Maamulayaal Mudulood ah ayaa Hoos loo dalacsiiyay iyaga oo qaar laga dhigay Macallimiin isla Dugsiyadii ey ka ahaayeen Maamulayaasha .
4. Xil ka qaadis Agaasimihii Guud  ee Wasaaradda waxbarashada laguna bedelay Beel aan Saami u leheyn.
5. Rukhseeyn Kormeerayaal sare, laguna bedelay Dad kale.
6. Masuuliyiin lagu bahdelay Wasaaradda iyada oo xoog looga qaaday Warqadii Aqoonsiga, laguna dalbaday Ciidan xoog uga saaro Wasaaradda.
7.Barayaal geeriyooday oo sidii caadadu aheyd aan lagu bedelin Booskoodii Caruurtoodii ama Qof isla qoyska ah, lana siiyay Beelo kale.
8. Dayacaad labadii Arday ee kaalinta 1aad ka galay Dugsiyada sare ee Dalka oo dhan, sanadihii 2018/ 2019 iyo 2019/2020, kuwaa oo ahaa Mudulood Booskoodii dheeqda waxbarashana aan helin.
9. In kasta oo Beeshu ey degto degmooyinka Magaalada oo dhan, waxaa si gaar ah loo cunaqabateeyay Mashaariicdii waxbarashada ee deegaanada Beeshu u badaan tahay.
10. Iskuday xarumo Agoonta  Gabdhaha ee Beeshu maamusho in lagala wareego.
11. Saamigii Beeshu ku lehayd Agaasinka wax barashada oo la hor istaagay

Masuuliyiinta sida tooska ah loo beegsaday:

A. Maamulayaashii Xilka laga qaaday:
1. Bile Axmed Nuur, Laga qaaday Dugsiga Gaashaanle Xassan Diiriye.
2. Xassan Jimcaale Cadaan, Dugsiga Yaasiin Cisman.
3. Cali Axmed Mahdi, Dugsiga 21ka Oktobar.
4. Sakariya Maxamed Cali, M/Xigeenka Dugsiga Kaaraan.
5. Maxamed Abukar Dugsiga Agoonta, Hoos loo dalacsiiyay.

B. Barayaal Xuquuq waayay.

1. Cabaas Ismacil, Dugsiga 11ka Janayo ,kaarkii Aqoonsiga ayaa xoog looga qaaday waxaana loo adeegsaday Ciidan.
2. Marxum Maxamed Abukar AUN, Dugsiaga Aqoon dirsadka, waxaa Caruurtiisii laga hor istaagay Xuquuqdoodii.

C. Xil ka qaadis Masuuliyiin.

1. Md. Xassan Taata, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda waxbarashada Heer Federal. Xilkiina looga wareejiyay Beel kale.
2. Md. Cabdinaasir, Agaasimihii Guud ee Wasaarada waaxda Gobalka Banadir, xilka looga wareejiyay Beel kale.
3. Cali Afgoye, Agaasime Waaxeed.
4. Md. Sheeksbiir, Agaasime waaxeed.
5. khadijo, Agaasime Waaxeed.

D. Rukhseyn Kormeerayaal Sare

1.Dr. Cali Cadaan Cadow
2. Ust. Xassan Macallin Maxamud

E. Dayacaad Ardaydii kaalinta 1aad Heer Qaran oo aan helin deeqdii wax barasho oo ey xaqa u lahaayeen.

1. Luqmaan Maxamed Nur. 2018/2019.
2. Sayid Cumar C/raxmaan Colaad .

Waa qeyb ka mid ah Xogihii iyo Cabashadii Dhibanayaasha wasaaradda waxbarashada. Ogoow Qofka dhibkaa loo geeystay Adigaba waa noqon karaa.

Qoraalka ha uqaadan mid Dad gaar ah lagu duraayo, waa dhibanayaal Somaliyeed oo ka cabanaayo dhibaato loo geeystay.

Codsi:

Wasiirka cusub waxaan ka codsaneynaa in uu saxo khaladaadkii ey galeen Wasiiradii hore, In Manaahijta dib loo eego, in Mr. Giriidi shaqa doon ah aan lagu bedelon Muwaadin xilkiisa gudanayo, in Ardayda Somalida ee Qaahira ku dhiban oo deeqdii waxbarasho markii hore lagu geeyay, kadibna markii  wax barashadu ey dhax u maree lagu yiri: lacag saa’id ah iska bixi deeq wax barasho ma jirtee.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimaana ku dar.

Qore: Yahya Amiru