1 min read

Tiro 24 Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaallo ka dhacay Hiraan.

MUQDISHO — 24 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarro subaxnimadii hore ee saaka ka kala dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buulo-Kuuno oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, 20 ka tirsan maleeshiyadan waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Yasooman, xilli Al-shabaab isku diyaarineysay weerar gaadmo ah.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in saddex ka mid ah ciidamada dowladda ay ku dhinteen dagaalkan.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda khawaarijta ah ayaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan nabad diidka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Federaalka.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdeen gobolka Hiiraan, iyada oo Al-shabaab laga saaray degmooyin, magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaas.

Dhinaca kale, dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Buulo Kuuno oo ka tirsan degmada Balcad ay ku dishay afar ka tirsan Al-shabaab.