1 min read
Al-Shabaab oo digniin ka soo saartay go’aan ay soo saartay dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa uga digtay warbaahinta madaxabannaan iyo weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya in ay u hoggaansamaan amarka dowladda ay ku mamnuucday in la isticmaalo ‘dacaayadaha’ ku saabsan Al-Shabaab .

Dowladda Soomaaliya waxay Sabtidii shaacisay liiska website-yada taabacsan kooxda.
Waxay u jeedisay shirkadaha Internet-ka bixiya inay hawada ka saaraan baraha Al-Shabaab.
Dowladdu waxay sidoo kale hawada ka saartay 40 akoonno baraha bulshada ah oo faafinayay ‘dacaayadaha Al-Shabaab’.
Dowladdu waxay sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo baahisa ‘dacaayadaha’ iyo fikradaha Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha bixiya Internet-ka inay hawada ka saaraan baraha taabacsan Al-Shabaab.