1 min read

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga gobolka iyo xiriirka labada dal.

Waxay sidoo kale wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Soomaaliya, sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafeed kasoo baxay madaxtooyada.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa madax dhowr ah oo Uganda uga qeybgashay munaasabadda xuska 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii dalkaas uu xoriyadda qaatay.