1 min read

Dadka deegaanka Bay oo bilaabay Howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Dadka deegaanada gobolka Bay ee go’aansaday in ay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee Al Shabaab ayaa maanta howlgalo ka sameeyay, deegaanada kala ah Habar dooy, Daa’uudow iyo Qorile oo dhamaantooda Hoostaga degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay.

Howlgalka ayaa lagu baacsanayay kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaanadaasi isla markaana dhibaatooyin u geysta dadka shacabka ah.