1 min read

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda IOM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa  kulan kula qaatay madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) Mohammed Abdiker oo uu weheliyo madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Mudane Franz Celestin.

Ugu horreyn Madaxa Hay’adda Socdaalka Aduunka ee Bariga Afrika Maxamed Abdiker ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan warbixin ka siiyey waxyaabihii ay dalka ka qabatey  isaga oo soo hadal qaaday sida Golaha Shacabka ay u wada shaqeyn karaan, islamarkaana ka taageeri doonaan sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka.

Dhanka kale Franz Celestin, ayaa isna dhankiisa sheegay in ay hada Hay’adda Socdaalka ay gacanta ku heeyso kumanaan barakacayaal Soomaali ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku boggaadiyey shaqooyinka ay Hay’adda ka wado dalka iyo dedaalada Hay’adda ay wax ugu qabaneeyso barakacayaasha dalka ku nool.