1 min read

SHAQSI AAD LOOGA YAQAANO SOUTH AFRICA OO U SHARAXAN XILKA GUDOOMIYAHA DEG. KAXDA.

▪︎”Kaxdoo Nabada, Degmooyinkana La Nabada”▪︎Waa Halku dhigga Musharaxa Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Macalin Maxamed oo loo yaqaano Abdiraxmaan Bulshaawi kana mid ah Dhallinyarada ugu firfircoon Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika mudana ku noolaa Cape Town.

Musharaxa, oo aad ugu dhow in loo magacaabo Xilkan, ayaa haatan ku hawlan kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Dadka Degmada Kaxda, si uu Codkooda u helo uguna Qanciyo inuu Kaxda Hogaanka u qabto.

Mr. Bulshaawi oo Taageero badan ka haysta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa gaar ahaan Reer Kaxdo, ayaa la sheegaa inuu yahay Gudoomiye Bulshada isku wadi kara.

Abdulrazak IndhaJaceyl