1 min read

RW Xamsa oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, gurmadka Abaaraha & Deyn Cafinta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wassiirada kaasi oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dardar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlaha la xiriira heerka ay gaartay abaarta iyo qorshaha Wasaaraddiisa ee wax ka qabashada Abaaraha, isaga oo ugu baaqay cid weliba in ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu badbaadinayo malaayiinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Gobolada dalka

Wasiirka Amniga gudaha XFS Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlagalada lagu sugayo amniga ee ka socda guud ahaan dalka iyo sida dowlada Soomaaliya ay ugu diyaar garowdey sugiDda amniga goobaha ay kala wareegaan Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Golaha Wasiirrada XFS warbixin ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka ah in Dowladda Soomaaliya laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay..

Wasiirka Amniga gudaha XFS Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlagalada lagu sugayo amniga ee ka socda guud ahaan dalka iyo sida dowlada Soomaaliya ay ugu diyaar garowdey sugiDda amniga goobaha ay kala wareegaan Al-Shabaab.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa waxaa ka jira Abaar aad u daran taas oo saameysay dadka iyo duunyada iyo Qaramada Midoobay ay sheegtay Abaarta ka jirta gudaha dalka in ay saameysay dad lagu qiyaaso 7.8 milyan kuwaas oo wajahaya xaalad Bini’aadannimo.