1 min read

Maxkamadda Sare ee Kenya oo go’aan ka soo saartay Natiijada Doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Guddiga Doorashada dalkaasi ku raacday Natiijada Doorashadii dalkaasi ka dhacday 9 kii bishii hore ee August.

Go’aanka Maxkamadda ayaa meesha ka saaray dacdwadii u gudbiyay Musharax Raila Odinga ee ku aadaneyd cabashada uu ka qabay Doorashada.

Tani ayaa William Ruto u oggolaaneysa in uu si rasmi ah ula wareeyo Xilka Madaxweynaha Kenya shanta sano ee soo socota.