1 min read

RW Xamsa “Waxaan burburinay Maxkamadii Al-Shabaab ku laheyd Deegaanka Basra..”

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ay Ciidanka Dowladda ku qaadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in Ciidamada  ay maanta burburiyeen maxkamad Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Basra oo u dhaxeysa xadka labada gobol ee Shabeellada Dhexe iyo Hoose.

Mr Xamse ayaa tilmaamay in Ciidanka ay sii wadi doonaan howlgalka, si ay Al-shabaab uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Shabeelooyinka.