1 min read

Wasiirka Maaliyadda XFS & Wakiilka dalalka geeska Afrika ee Hay’adda IFC oo ka wada hadlay horumarinta maaliyadda Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Amena Arif oo ah Wakiilka dalalka geeska Afrika ee hay’adda International Finance Corporation IFC oo ka mid ah Hey’adaha hoostaga Bangiga Adduunka, isla markaana wada shaqeyn la leh dowladda Soomaaliya.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Wakiilka dalalka geeska Afrika ee hay’adda International Finance Corporation ayaa diiradda lagu saaray horumarinta maaliyadda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, kuwaas oo laf-dhabar u ah Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay kulan ayaa sheegay “hadafyada dowladda ugu muhiim san in ay  ka mid yihiin maalgalinta, kobcinta iyo sare-uqaadidda ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

International Finance Corporation oo xubin ka ah Bangiga Adduunka ayaa ah Hay’adda bixisa maalgelin, talo bixin iyo adeegyo maareyn hantida si loo dhiirrigeliyo horumarinta qaybaha gaarka loo leeyahay ee waddamada horumaray.