1 min read

ATMIS oo si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen dad Shacab ah.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa qoraal ka soo saaray weerarkii ay Al-shabaab ku beegsadeyn dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa degmooyinka  Beledweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan sidoo kalena ay halkaasi ku gubeen gaadiid siday raashin.

ATMIS ayaa si kulu u cambaareysay weerarkan iyaga oo sheegay in ay aad ugu xunyihiiin beegsiga dadka shacabka ah waxa ayna sheegeen in ay qeyb ka noqon doonan howlgallada ay wadaan ciidanka dowlada Soomaaliya, oo ku jira Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaan qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

lama oga in ciidanka ATMIS ay ka dhabeyn doonaan ballanqaadkooda ku aadan in ay ka qeyb galayaan howlgalada cusub ee Al-Shabaab lagula dagaalamayo balse ciidamada ATMIS ayaa muddooyinkii u dembeeyey waxa lagu eedeynayey in aysan dhaafin xeryahooda meleteri.

Weerarka  Al-shabaab ay ka geysteen deegaan Afar-irdood ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhashey cambaareyn iyo carro xooggan oo ka imaaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo dowlado shisheeye xilli madaxda ugu sareysa dalka ay ka tacsiyeyeen weerarkan .

Al-Shabaab ayaa habeenkii jimcaha waxa ay weerar ku qaadey kolonyo Gaadiid ah, kaasi oo sababay dhimashada 21 qof iyo gubidda todobo gaari oo siday raashin, iyaga oo Al-Shabaab lagu eedeyey in ay qarax miino la beegsadeen labo gaari oo ah  kuwa gurmadka degdega kuwaasi oo gurmad ahaan ugu socdey dadka ku waxyeeloobey weerarka.