1 min read

Madaxweynaha oo magacaabay Lataliyaha Xiriirka Dowlad-goboledyada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) in uu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha oo ku soo xulay Lataliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda, maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka Federaaleynta dalka, kuwaas oo mudnaan gaar ah uu siinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada  Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda.