1 min read

Dhibaato ka dhalatay is rasaaseyn ka dhacday Garoonka Magaalada Laascaanood.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada ay is rasaaseyn ku dhexmartay laba Maleeshiyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaaf dhexmaray Ganacsata qaadka ee xilligaasi u soo degaysay Diyaarad siday Jaad ay sababtay in labada dhinac ay isugu yeertaan Ciidan, halkaasi oo is rasaaseyn ka dhacday.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay, mana jiro ilaa hadda dhimasho la soo sheegay oo ka dhalatay is rasaaseynta dhexmartay labada Maleeshiyo, si ay inoo xaqiijiyeen ilo xog oggaal ah.

Weli laamaha Ammaanka ee Magaalada iyo Somaliland kama aysan hadlin is rasaaseynta Garoonka Laascaanood maanta ku dhexmartay labada Maleeshiyo.