1 min read

In ka badan 200 oo askari oo tababar uga dhimatay Suudaanta Koonfureed.

In ka badan 200 oo askari ayaa ku dhintay intii uu socday tababar ay ku qaadanayeen xeryo kala duwan oo ku yaalla Suudaanta Koonfureed. Arrintan ayaa dhacday ka hor inta aysan qalinjebin dufcaddii ugu horreysay ee ciidamada, sida uu Talaadadii sheegay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dalkaas Riek Machar.

Wuxuu xusay in askartu ay ku nafwaayeen xaalad cimilo-xumo iyo arrimo kale mar uu ka hadlayay xafladdii qalin-jabinta ee ka dhacday caasimadda Juba.

Inta badan dadka dhintay waxay ka soo jeedaan jabhadihii hore ee Sudan (SPLA-IO) iyo Isbahaysiga Mucaaradka koonfurta Sudan ee (SSOA).

“Waan ogahay in in ka badan 200 oo asxaabtiinna ah ay ku dhinteen 18-ka xarun ee tababarka qaar. Waxay u dhinteen cudurro, maaddaama aysan jirin dawooyin, qaarna waxay u dhinteen gaajo, iyo cunto-la’aan“.

“Maanta waxaan idinku hambalyeynayaa dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo dhiirranaantiinna,” ayuu Riek Machar ku yiri ciidamadii qalin-jabiyay.

Waxa uu sheegay in qalin-jabinta ciidamada mideysan ay tahay dhacdo ay dadku sugayeen, taasoo rajo gelineysa malaayiin qaxooti ah oo ku nool dalalka deriska ah iyo kuwa ka barakacay dalka inay dib u soo laabtaan.

In ka badan 22,000 oo rag iyo dumar isugu jira kana wada tirsan ciidamada gaarka ah ee qaranka iyo kuwa booliska ayaa ka qalin jabiyay xarumaha tababarka, sida lagu sheegay dikreeto ka soo baxday madaxtooyada Suudaanta Koonfureed oo la akhriyay maalintii qalin-jabinta.

Waa ciidamadii ugu horreeyay ee hubaysan, isla markaana ka tirsan qaranka ee ka tarjumaya kala duwanaanshaha qowmiyadeed ee Suudaanta Koonfureed.