1 min read

Aubameyang oo ka hadlay dhaca gurigiisa iyo dhaawac dhabanka ka gaaray.

Laacibka kooxda Barcelona iyo xulka Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa markii ugu horreysay faahfaahiyay fal-dambiyeedkii lagula kacay subaxnimadii Isniinta, markaas oo koox gurigiisa u dhacday ay qalalaase ku sameeyeen.

Weeraryahanka ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ka dhaawaceen daanka balse uu ka soo kabsan doono muddo gaaban kaddib.

Aubameyang waxa uu kooxdii soo weerartay gurigiisa ugu yeeray “fulayaal rabshado badan” kuwaas oo u hanjabay qoyskiisa iyo caruurtiisa.

Barcelona ayaa sheegtay in afar nin oo hubeysan ay u soo dhaceen guriga ciyaaryahanka, ayna ku qasbeen inuu u furo qasnaddiisa keydka, iyagoo markaas kaddibna la baxay xoogaa dahab ah.

Dhowr jeer ayaa la jabsaday guryaha ciyaartoyda kubbadda cagta ee ku sugan Spain, laakiin inta badan waxaa la beegsan jiray markii ay xiddiguhu ciyaarayeen.

Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu heshiis u saxiixo kooxda Chelsea si uu ugu soo laabto horyaalka Premier League-ga ee Ingiriiska.