1 min read

Kooxo hubaysan oo Sarkaal ka tirsan ciidamada Bambayda.

Allaha u naxariistee, koox hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay laba nin oo ku hubeysan bastood rasaas ku fureen, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, dhaawac soo gaarayna loola carray Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa daqiiqado ka dib soo gaaray Ciidan Dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan u soo batay magaalada Muqdisho, xalay waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid.