1 min read

Itoobiya oo duqeymo cusub oo dhanka cirka ah ka fulisay caasimadda Tigray.

MEKELLE — Magaalada caasimadda u ah gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya ee Mekell waxaa xalay saqdii dhexe ka dhacay weerar dhinaca cirka ah, sida ay sheegeen xubnaha Tigrayga iyo saraakiisha isbitaal halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan noqonaya kii ugu dambeeyay oo lasoo wariyay dhowr maalmood gudahood.



Duqeymahan ayaa yimid kadib markii todobaadkii hore uu dagaal dhulka ah dhex maray ciidamada dowlada iyo kooxda TPLF.

Iska horimaadyadan soo cusboonaaday ayaa burburiyay heshiis nabadeed oo socday muddo shan bilood ah, waxaana ay meesha ka saareen dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda labada sano ku dhow ee ka socotay waqooyiga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Weerar habeenimo ah ayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen Mekelle. Ma jiraan bartilmaameedyo ciidan oo la malayn karo!” ayuu Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda bartiisa Twitter-ka ku sheegay, isaga oo intra ku daray “Cisbitaalka Mekele ayaa ka mid ah meelaha la beegsaday. Ugu yaraan saddex bam ayaa la tuuray.”

Kibrom Gebreselassie, oo ah madaxa caafimaadka ee Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele, ayaa sidoo kale ku sheegay Twitter-ka in uu dhacay weerar diyaaradeed “ku dhawaad saqdii dhexe” meel u dhow isbitaalka guud ee Mekele.

“Dadka dhaawaca ah ayaa soo gaaraya Isbitaalka Ayder,” ayuu yiri, isagoo aan faahfaahin ka bixin.9

Xukuumada Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF ayaa midba midka kale ku eedeeyay dagaalkii Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannada dhanka koonfur bari ee gobolka Tigray.

Ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan carruur ayaa Jimcihii lagu dilay duqeyntii ugu horreysay ee ka dhacday Mekele muddo bilo ah, weerarkaas oo ay cambaareysay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF.

APF