1 min read

War Deg Deg ah: Maamul goboleedyada Soomaaliya oo joojiyay wadashaqeynta Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradaha Maaliyadaha ee shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xiriirka u jaray Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda dhexe ee Soomaaliya, sida uu BBC-da u xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Puntland.

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

Warqaddaas waxaa lagu sheegay in laga billaabo maanta, oo ah 30-ka August, 2022, ay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ku eedeeyeen baal-marista heshiisyo hore, “inta ay wasaaraddu kusoo laabanayso xeyndaabka sharci”.

Waxay tixraac ahaan usoo taxeen heshiisyo “wadar-tashi iyo wadar-oggol” ay ku tilmaameen oo ay horay ula gaareen wasaaradda, kuwaasoo kala ah:

1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019.

2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019.

3.Heshiiskii Kampala ee December 2019.

4.Heshiiskii Nairobi ee January 2020.

5.Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ayaan la xiriirnay si aan uga helno jawaab la xiriirta warqaddan, laakiin weli nooma suurtagelin.