1 min read

Isku aadka Champions League ee xilli ciyaareedka 2022/23 oo la sameeyey.

(Istanbul:Waxaa goordhow soo gabagaboobay isku aadka heerka guruubyada tartanka Champions League oo caawa lagu sameeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Barcelona ayaa ku guruubka C noqotay kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka, halka Chelsea iyo AC Milan ay wada galeen Guruubka E.

Kooxda Juventus ayaa waxa ay guruub la gashay Paris Saint-Germain, halka Man City ay ku guruub noqotay kooxo ay ka mid tahay Sevilla.

Isku aadka oo dhammaystiran halkaa hoose ka eeg:-

Group A: Ajax, Liverpool, Napoli iyo Rangers.

Group B: FC Porto, Atlético Madrid, Bayer Leverkusen iyo Club Brugge.

Group C: Barcelona, Bayern Munich, Inter Milan iyo Viktoria Plzeň.

Group D: Eintracht Frankfurt, Tottenham Hotspur, Sporting CP iyo  Olympique de Marseille.

Group E: AC Milan, Chelsea, FC Salzburg iyo Dinamo Zagreb.

Group F: Real Madrid, RB Leipzig, Shakhtar Donetsk iyo Celtic.

Group G: Manchester City, Sevilla, Borussia Dortmund iyo Copenhagen.

Group H: Paris Saint-Germain, Juventus, SL Benfica iyo M. Haifa.

Sida caadiga ah koox waliba waxa ay ciyaari doontaa lix kulan, waxaana kulammada la ciyaari doonaan Maalmaha Talaadada iyo Arbacada, taariikhahan hoos ku xusan ayaana la ciyaari doonaa kulammadaas:-

Kulammada 1-aad: 6/7 September 2022

Kulammada 2-aad: 13/14 September 2022

Kulammada 3-aad: 4/5 October 2022

Kulammada 4-aad: 11/12 October 2022

Kulammada 5-aad: 25/26 October 2022

Kulammada 6-aad: 1/2 November 2022.