1 min read

Baarlamaanka oo doortay Guddi kor joogteynaya Dib u eegista Dastuurka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedetaalka ayaa maanta iska dhex doortay Guddiga kor joogteynta dib u eegista dastuurka ee Golaha Shacabka.

Xubnahan Guddiga ayaa kala ah:

Xildhibaan Cabdullaahi Carab
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan Waliid
Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh
Xildhibaan Maxamed Xayle Axmed
Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow)

Howlaha horyaalla Guddiga ayaa waxaa kamid ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dardar gelinta howlaha dib u eegista Dastuurka Kumeel Gaarka ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maata Xildhibaannada hor geeyay Habdhawre ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Habdhawre kuxigeenka labaad Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim, iyaga oo ansixiyay.